Maalmihii lasoo dhaafay waxaa degmada Burtinle ee gobalka Nugaal ka taagnaa xaalado amni oo saameeyay guud ahaan dadka ku dhaqan degmadaas.
Dhibaatooyinka ka jira degmada ayaa waxaa kamid ah gaadiid badan oo ku xayiran gudaha Burtinle, in ja jaro fiilooyinka xambaara Internetka iyo adeegyada Isgaarsiinta, taas oo ay sii dheer tahay Khamri lasoo galiyay degmaada iyo qolyo burcad ah oo dhibaatooyin ku haya dadka deegaanka.
Tani ayaa keentay in xaalad adag ay gasho degmada Burtinle, waxaana qaar kamid ah golaha deegaanka ee degmada Burtinle ay qeylo dhaan xooggan ka muujiyeen dhibaatooyinkaas.
Halkaan ka Degso Warka Burtinle