Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsMaamulka Soomaaliland: "Waan ka Hortagi Doonnaa Imaanshiyaha Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood"

Maamulka Soomaaliland: “Waan ka Hortagi Doonnaa Imaanshiyaha Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood”

Maamulka la baxay Soomaaliland ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah kaga hadlay, safar la sheegay in Xambse Cabdi Barre uu ku tagi doono magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka la baxay Soomaaliland Axmed-yaasiin Sheekh Cali, ayaa shir jiraa’id oo uu qabtay waxa uu ka hadlay hadal kasoo yeeray Xamse Cabdi Barre, Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Fedaraalka, kaas oo ahaa inuu imaanayo magaalada Laascaanood oo awood looga saaray maamulkaas.

Waxa uu sheegay in hadalkaasi uu yahay mid daandaansi iyo xadgudu ku ah maamulkooda, islamarkaana sii hurinayo colaadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Xamse ayuuu wasiirku sheegay inuu maqaar-saar ku yahay Dowladda Fedaraalka dhexdeeda, isagoo tilmaamay in xoog iyo xeelad tey ahaataba ay kaga hortagi doonaaan imaanshihiisa magaalada Laascaanood.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay, in hadalka Xamse uu sheegay ee ah iney doonayaan madax-bannaanida Soaamliya ay tahay mid aan waxba ka jirin, laascaanoodna iska daaye aysanba xur aheyn magaalada Muqdisho oo uu Shisheeye heysto sida uu hadalka udhigay.

Waxa uu soo hadal qaaday weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee kusii xoogeysanaya magaalada Muqdisho, isagoona xusay iney yihiin kuwa muujinaya taag-darrida Dowladda Fedaraalka, iyo ineysan qaban karin doorasho qof iyo cod ah.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan Feysal Cali Waraabe oo kamid ah siyaasiyiinta ugu waaweyn ee goballada woqooyi uu sheegay, in aysan wax qiimo ah ku fadhin imaanshiyaha Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood, bisha May ee soosoctana ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegi doonaan magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.