Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 50 Ruux oo ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka...

In ka Badan 50 Ruux oo ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka Fulisay Qazza.

Gumeystaha arxanka daran ee Yahuudda ayaa halkiisa kasii wada duqeymaha cirka iyo madaafiicda uu ku garaacayo marinka Qaza, iyadoo lasoo sheegayo shacab hor leh oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeymo cadawtinimo oo ay diyaradaha Sahayinada Yahuudda la beegsadeen qaybo kamida ah marinka.

Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday weerar cirka ah oo ay Yahuudda saqdii dhexe ee xalay ku qaadeen guri ku yaalla waqooyi-galbeed ee magaalada Qaza. Sida ay ku warantay Wakaalada wararka Falastiin ee WAFA.

Sidoo kale, duqeymo ay diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda la beegsadeen guri ku yaalla deegaanka Al-Barakah ee koonfur-galbeed ka xiga magaalada Deir al-Balah , ee bartamaha marinka Qaza ayaa waxaa ku shahiiday, Sagaal qof oo rayid ah, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badnaa haween iyo caruur.

Horaantii shali galab, ilo-wareedyo dhanka caafimaad ah ayaa ku dhawaaqay, in  afar qof oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymo aan loo meeldayin oo ay diyaaradaha Yahuuddu ku garaaceen magaalooyinka Khan Yuunis iyo Rafah ee koonfurta Marinka Qaza.

Isku soo wada duube Wakaalada wararka Falastiin ee WAFA, ayaa sheegtay, in tan iyo waaberigii maanta in ka badan 50 ruux, oo ay ku jireen carruur iyo haween aan waxba galabsanin, ay ku shahiideen duqaymo kala duwan oo maamulka Yahuudda uu ka geystay  waqooyiga iyo bartamaha marinka Qaza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.