Ciidamada Mujaahidiin ee Jamaacada Nusratul Islaam wal-muslimiin ee ka hawgalo saxaraha iyo Saaxilka Afrika ayaa fuliyay werarro Jahaadi ah, kuwaas oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay ciidamada Burkina Faso.
Ciidamada Mujaahidiin ee Nusratul Islaam wal-muslimiin ayaa ka hortagay galabnimadii Axadda ee lasoo dhaafay weerar ay ciidamada Burkina Faso kusoo qaadeen duleedyada tuulada (Mantoo) oo ka tirsan gobalka (faadaaghooramaa) ee dalkaasi, ciidamada Burkina ee weerar soo qaaday ayaa jab dhabarka loo saariyay, iyadoo halkaasi looga dilay 4 askari, halka ay mujaahidiinta soo qaniimaysteen 2 qori oo RBG ah iyo 4 qori oo Ak-47 ah.
Geesta kale weerar xooggan oo cutubyo ka tirsan Mujaahidiin Nusratul Islaam wal-muslimiin ay Jimcahii lasoo dhaafay ku ekeeyeen fariisin ay ciidamada Burkina Faso ku leeyihiin tuulada (Sayraduuralaa) ee gobalka (Buubuujuulasaw) ayaa dhagta dhiigga loogu daray 22 askari oo ka tirsanaa ciidamada dalkaasi, waxayna ciidamada Mujaahidiinta dagaalkaasi kusoo furteen 3 gaari oo kuwa dagaalka ah, 2 qori oo dhashiika ah, hal hoobiye, 8 qori oo BKM ah, hal xabo oo baastoolad ah iyo 24 qori oo Ak 47 ah.
Mujaahidiinta ayaa sidoo kale dagaalkani kusoo qaniimaystay 31 moota oo labo lugoodlay ah, 34 sanduuq oo ay ku jireen rasaas iyo agabyo kale oo xerada u yaallay ciidamada Burkina Faso, iyagoo dhanka kale dab qabadsiiyay 3 gaari oo kuwa dagaalka ah.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa sidoo Talaadadii iyo Arbacadii lasoo dhaafay weerarro ku qaaday labo fariisin oo ay leeyihiin ciidamada Burkina Faso, fariisinka koowaad ayaa ku yaalla magaalada (Kabooriya) ee gobalka (Waahayghooriyaa), halka kan kalana uu u dhaxeeyo magaalooyinka (Faysilaa) iyo (Taghwariya) ee isla gobalkaasi.
Mujaahidiinta ayaa dagaaladani kusoo furtay 2 qori oo BKM ah, hal qori oo Ak-47 ah, 6 moota oo labo lugoodlay ah iyo agabyo kale, ciidamada mujaahiidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam wal-muslimiin ayaa xoojiyay weerarada ka dhanka ah ciidamada ciidamada Burkina Faso ee daba dhilifka u ah shisheeyaha kusoo duulay dalkaasi.