Dawladda Ruushka ayaa sheegtay inay soo riday ku dhawaad 20 diyaaradood oo laga lahaa dalka Yukrayn, kuwaas oo weerar kusoo qaaday gobollo ka tirsan Ruushka.
Wasaaradda Difaaca ee dalkaas ayaa sheegtay, in 19 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ay kusoo rideen gobollo ka tirsan Ruushka, kuwaas oo 13 ka mid ah lagu burburiyay badda Azov ee dalka Ruushka.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay, in ciidamada Yukrayn ay fuliyeen weerarr lagu beegsaday kaabayaasha tamarta ee Ruushka lix jeer 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo labada dal ay ku heshiiyeen joojinta weerarada lagu bartilmaameedsanayo xarumaha tamarta.
Weeraradan ayaa beegsaday xarumaha korontada laga dhaliyo ee gobollada Rostov, Voronezh iyo Bryansk ee Ruushka, hawlagalladan ayaan sidoo kale burburiyay xarumaha korontada ee gobollada Kherson iyo Donetsk ee gudaha Yukrayn ee ay gacanta ku hayaan ciidamada Ruushka.
Hawlgaladan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Ciidamada Ruushka ay la wareegeen deegaanka Katerynivka ee dhaca bariga Donetsk, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda Ruushka RIA Novosti oo soo xiganaysa wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaas.