Kooxda Xuutiyiinta ee gacansaarka dhow laleh dawladda Iran ayaa fiidnimadii Isniinta shaaca ka qaaday in ay fuliyeen howlgal ay ku bartilmaameedsadeen magaalada Tel Aviv oo ka tirsan dhulka uu maamulka Yahuuddu xooga ugaga haysto reer Falastiin.
Afhayeenka kooxda Xuutiyiinta Yaxya Sariic, ayaa war uu siiyay talefishanka Yemen wuxuu ku sheegay, in ciidamadiisu ay fuliyeen hawlgall loo adeegsaday diyaarad aan duuliyaha lahayn, taas oo lagu beegsaday xarun ay ciidammada Yuhuuddu ku lahaayeen deegaanka Jaffa ee ku hoos jira maamulka Yahuudda.
Wuxuu sidoo kale ku dhaawaqay hawlgal kale oo ay ku bartilmamedsadeen Labo Markab oo laga leeyahay dalka Maraykanka oo ku sugan badda cas, kuwaas oo weerarkooda loo adeegsaday gantaallada loo yaqaano Cruise Miseliska.
Weeraradan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu Maraykanku xoojiyay duqaymaha arxandarada ah ee uu ku hayo guud ahaan gobalada dalka Yemen, halkaas oo uu kudilay isbuucyadii lasoo dhaafay boqolaal shacab ah, isaga oo ku andacoonaya inuu beegsanayo kooxda shiicada ah ee Xuutiyiinta.