Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsAskar Lagu Dilay Duleedka Degmada Aadan-Yabaal iyo Madaafiic Lagu Garaacay Degmadaas.

Askar Lagu Dilay Duleedka Degmada Aadan-Yabaal iyo Madaafiic Lagu Garaacay Degmadaas.

Wararka ka imaanaya gobalka Sh-dhexe ee Koonfurta Soomaaliya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay maanta weeraro ka fuliyeen gudaha degmada Aadan-Yabaal iyo duleedkeeda.

Haddaan ku horreyno duleedka magaalada, ciidamada Xarakada Mujaaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa duleedka Aadan-Yabaal.

Ugu yaraan 3 askari ayaa Dowladda Fedaraalka looga dilay weerarkaan, kuwaas oo meydadkooda looga cararay goobta dagaalka.

Sidoo kale guutooyinka madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta AL-Shabaab ayaa waxa ay madaafiic ku weerareen degmada Aadan-Yabaal.

Madaafiicda ayaa lala beegsaday saldhigyada ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin gudaha degmada, waxaana lasoo warinayaa iney khasaare geysteen madaafiicdaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.