Dhulka la boobayo ayaa ku yaalla xaafadda Kaas balballaare ee katirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, Waxaana Shir jaraa’id qabtay xubno ka socday qoys sheegaynaya lahaashiyaha dhulkan dukumiintiyana uheysta.
Asal ahaan dhulkan ayaa mid la isku haysto, waxaana iyadoo ay arrintaasi jirtay soo ifbaxay dad ganacsato sheeganaya oo raba iney boobaan islamarkaana ku dulgataan dadkan iyagoo usoo maray Dowladda Fedaraalka.
Ganacsatadan ayaa dhulkan muranku ka taagan yahay waxay rabaan iney ku tilmaamaya inuu yahay dangood, iyadoo qoyska dhulkan lahaashiyiisa sheeganaya uu cod dheer ku sheegay inuusan danguud ahayn, sideetameedyadiina la bixiyay oo ay siisay dowladdii Maxamad Siyaad Barre.