Waxaa wali sii laba lixaad sanaya duqaymaha xiriirka ah ee uu Maraykanku ku hayo gobalada dalka Yemen, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen duqaymahaas in kabadan 20 qof oo u badan dad shacab ah.
Warbaahin xiriir dhow laleh kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa shaacisay, in tirada dadka ku dhintay duqayntii ugu damabaysay ay gaartay illaa 4 qof oo shacab ah, halka dhaawucuna uu kor u dhaafay illaa 16 ruux. Duqayntan ayaa si gaar ah uga dhacday magaalo ku taalla gobolka Al-Xudeyda ee Konfurta Yemen.
Diyaaradahan ayaa sidoo kale Sadex duqayn ka gaystay deegaanka Jabal Al-Shamhi iyo Shabakaddaha Isgaarsiinta ee degmooyinka Bacdan ee gobolka Ibb iyo Daybin oo ka tirsan gobolka Camraan.
24-kii Saac ee lasoo dhaafay duqaymaha ay diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen guud ahaan gobalada Yemen ayaa kor u dhaafay 22 duqayn, kuwaas oo ay ku naf waayeen Tiro dad ah, iyadoo uu Maraykanku sheegtay inuu tan iyo markii uu dib ubilaabay duqaymaha Yemen uu dhulka la simay in kabadan 300 oo xarumood oo ay lahaayeen Kooxda Xuutiyiinta ee Shiicada ee gacan-saarka dhow laleh Iran.