Shiinaha ayaa si rasmi ah adeegga ciidamadiisa cirka ku biiriyay gantaalkiisa hawada ee KD-21, kaas oo sidoo kale loo yaqaana YJ-21. Gantaalkan ayaa lagu arkay dhoolatusyo muujinaya go’doomin lagu soo rogay Taiwan, taasoo hoosta ka xariiqaysa dawrka uu ku yeelan karo istaraatiijiyadda ka hortagga weerarrada badda.
Qoraa lagu magacaabo Paolo Mauri ayaa warbixin uu daabacay website-ka Talyaaniga laga leeyahay ee Inside Over ku sheegay, in Shiinuhu uu si rasmi ah u xaqiijiyey, in gantaalkan uu galay adeegga ciidammada cirka ee dalkiisa.
Mauri ayaa xusay, in gantaalkan uu ka soo muuqday muuqaallo aan rasmi ahayn sannadihii hore, gaar ahaan bandhiggii duulimaadka iyo hawada sare ee 2022-kii ka dhacay magaalada Zhuhai ee dalkaasi.
Lakiinse waxa hadda soo baxay ayaa ah, sawirro laga soo qaaday diyaarad nooceedu yahay H-6K uuna ku rakiban yahay gantaalkan, taas oo soo jeedinaysa in hubka uu si rasmi ah u galay adeegga ciidammada cirka ee Shiinaha.
Qoraagu wuxuu sharaxay, in muuqaalkan ugu horreeya ee gantaalka KD-21 ay u badan tahay inuu muujinayo dawrkiisa shaqada, taas oo ah in loogu talagalay ka hortagga maraakiibta dagaalka, gaar ahaan, in lagu dhufto madfaca weerarka ah ee ay qaadaan maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Maraykanka.
Ciidamada Shiinaha ayaa hadda adeegsada labo gantaal oo kala ah DF-21D iyo DF-26, kuwani waxay kamid yihiin gantaallada Balaastikada ah, mid koowaad ayaa kamid ah gantaallada riddada dhexe, halka kan labaadna uu kamid yahay kuwa riddada dheer, labaduba waxay awoodaan inay fuliyaan weerarrada ka hortagga maraakiibta.