Dad horay Dowladda Fedaraalku usheegtay iney siisay guryo iyo lcag ayaa sheeegay iney ku been abuuratay oo aysan jirin wax xaggeeda kasoo gaaray.
Qoysaskii ay Dowladda Fedaraalku horay gurayahooda uga burburisay islamarkaana ka barakicisay dhulkii Jaamacadaha, ayaa sheegay inaaney jirin wax lacag ama dhul ah oo kasoo gaaray dhanka Dowladda Fedaraalka.
Taasi bedelkeeda waxay sheegeen iney illaa iyo hadda barakac yihiin islamarkaana dulsaar ku noqdeen dad kale.
Waxay cadeeyeen iney hadadaad iyo xarig kala kulmayaan xubno katirsan Dowladda Fedaraalka, kuwaasoo dhibaateynaya haddii ay warbaahinta la hadlaan.