Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsMaleeshiyaadka Mustafa Cagjar oo Xabsiga Dhigay Dad ay Haween Kamid Yihiin.

Maleeshiyaadka Mustafa Cagjar oo Xabsiga Dhigay Dad ay Haween Kamid Yihiin.[DHAGEYSO]

Ciidamada maamulka Mustafe Cagjar ayaa dad hor leh oo shacab ah ka qabqabtay magaalada Jigjiga, kuwaasoo ay ku jirto haweeneey ay dhawaan gurigeeda ugu daateen.

Waxaa magaalada Jigjig saacadihii lasoo dhaafay lagu xirxiray dad ay kamid tahay haweeney lagu magacaabo Fardowso Mataan oo dhawaan la hadashay warbaahinta, sheegtayna iney gurigeeda ay ugu soo daateen islamarkaana ka baraciyeen askarta maamulka ay dowladda Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-Galbeed.

Haweeneydan iyo dad kale oo ay kamid yihiin Tufaax Mataan iyo sheyma Cumar ayaa loo taxaabay xabsiga.

Sido kale Suldaan lagu magacaabo Axmed Abuu Bakar Xasan ayaa isagana la xiray, waxayna xoguhu tilmaamayaan, in Mustafe Cagjar oo uu xariga Suldaankan si gaar ah usoo amray.

Marka laga soo tago dadkan kale, Fardowso ayey wararku sheegayaan iney xabsigii kol hore lagu xiray lagala baxay, islamarkaana lagu qaaday gaadiid ciidan, lamana oga meel la geeyay.

Halkaan ka Degso Warka Jigjiga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.