Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsQaar Kamid ah Beelaha Dega Saakow oo Geel iyo Ari ku Wareejiyay...

Qaar Kamid ah Beelaha Dega Saakow oo Geel iyo Ari ku Wareejiyay Al-Shabaab.[DHAGEYSO]

Munaasabad ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, ayaa qaar kamid ah beelahha halkaas dega waxay Wilaayada Islaamiga ku wareejiyeen xoolo, ay ugu talogaleen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee jooga furimaha hore ee dagaalka.

Xoolaha la wareejiyay ayaa isuga jira 10 neef oo geel ah oo ay dhiibtay beeshha Geelidle, iyo 65 neef oo ari ah oo ay si wadajir ah u dhiibeen beelaha kala ah Tunni,  Jilible, Xariin, Garjin, Murule iyo Heledo. Ugu horeyn waxaa munaasabadda ka hadlay qaar kamid ah odayaasha qabaa’ilka bixiyay ariga, waxayna sheegeen sababta ku riixday iney bixiyaan xoolahan.

Halkaan ka Degso Warka Saakow

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.