Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 20 qof oo ku Dhaawacmay Duqaymo uu Ruushku ka...

In ka Badan 20 qof oo ku Dhaawacmay Duqaymo uu Ruushku ka Gaystay Dalka Ukraine.

Ciidamada cirka ee Yukrayn ayaa sheegay, in Ruushku uu 55 diyaaradood oo aan duuliye lahayn uu kusoo weeraray gobollo ka tirsan dalka Yukrayn, iyagoo sheegtay inay soo rideen 32 kamid ah diyaaradahaas, halka 8 kalana ay khadka ka baxeen kaddib markii nidaamyada difaaca hawada ee Yukrayn ay kala hortageen weerar  elektaroonigga ah.

Diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa beegsaday saddex magaalo oo ka tirsan Ukraine oo kala ah Kramatorsk, Dnipro iyo Kharkiv, waxaana weeraradan ku dhaawacmay ugu yaraan 22 qof, kuwaas oo 7 ka mid ah ay xaaladoodu liidato. Duqaymahan ayaana sidoo kale gaystay khasaare hantiyadeed, waxaana ku burburay guryo la dagan yahay iyo baabuur ku sugnaa halka ay duqayntu ku dhacday.

Dhanka kale, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa ku warantay in ay burburisay 158 diyaaradood oo laga lahaa Yukrayn, kuwaas oo loo adeegsaday weerarro lagu qaaday saldhigyada ciidamada Ruushka ee gudaha Yukrayn, iyadoo 29 diyaaradood lagusoo riday koonfurta gobolka Rostov, halka  69 kalana lagusoo riday gobolka Krasnodar.

Weeraradan ay is dhaafsanayaan labada dhinac ayaa kusoo beegmaya, kaddib markii madaxwaynaha Yukrayn uu sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal uu lagalo Maraykanka oo ku saabsan soo jeedintii macdanta dalkiisa, si loo joojiyo dagaalka, taas oo uu Zinilizky horay ugu gacan sayray inuu aqbalo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.