Magaalada Al Fasher ayaa wajahaysa dagaallo qaraar, iyadoo dhawaqa duqeymaha iyo hugunka rasaasta laga maqlayo guud ahaan magaalada. Wararka isasoo taraya ee ku aadan xaalada ka jirta magaaladan ayaa soo bandhigaya xadiga ay gaarsiisan tahay macluusha baahsan ee ku dhufatay dadka ku nool Al-Fasheer, iyadoo la arki karo caruur iyo dumar badan oo la iskugu keenay xarun lagu qaybiyo cuntada iyo agabyada kale ee aas-aasga u ah nolosha.
Mandarkan ayaa muujinaya sida dadka magaaladan deggan ay u adkeysanayaan, in kasta oo ay dhibaatooyin badan wajahayaan, waxaa dhanka kale ka muuqanaysa inay yihiin dad mar un u hamuun qaba inay arkaan magaaladooda oo nabad ah.
Mar ay caruur badan ku soo xoomeen barxadda hoygii cuntada loogu qaybin jiray, wajiyadoodana laga dheehan karo baahida iyo hilowga ay u qabaan cuntadii loo ballan qaaday, ayaa waxaa halmar is qabsatay jabaqda rasaasta, iyadoo uu jawigu isku badalay xaalad cabsi ah, taas oo keentay in ay walwal badan kusii abuurto dadka deegaanka.
Umm Kulthum, oo ah hooyo saddex carruur ah ku kor-sata magaaladan ayaa warbaahinta uga warbxisay xaalada ay dareemayso, iyadoo sheegtay in ay wakhti dheer sugaysay in ay mar un ka baxaan xaaladan qalafsan. Mar ay hadalkeeda sii wadatay hooyadan ayaa sheegtay, in wali ay cabsi ka qabaan duqaymaha xooggan ee lagu garaacayo magaalada.
“Qarax walba waxa uu i dareensiiyaa in geeridu soo dhowdahay, noloshuna waxa ay isku beddeshay riyo aan dhammaad lahayn, daqiiqad kasta waxaan dareemaa in dhimashadaydu ay dhawdahay, cabsi ayaana i haysa xitaa markaan daawanayo caruurteyda oo wax cunaya” ayay hooyadani hadalkeeda kusoo gabagabaysay.