Dagaallo culus oo lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay maanta markale ka dhaceen duleedka deegaanka Aboorreey ee gobolka Hiiraan.
Intii ay socdeen dagaalladan, waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiis kala duwan, waxaa askarta Dowladda Fedaraalka ee jabay gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalladaasi looga dilay Dowladda Fedaraalka illaa 5 askari 11 kalena waa looga dhaawacay.
Ciidanka Dowladda Fedaraalka ayaa jab is dabajoog ah ka dhaxlay dagaalladii ay ka galeen degaanka Aboorreey, waxayna ku waayeen askar iyo saraakiil badan, halka qaar kale ay dhaawacyo la jiifaan isbitaallada.