Maanta taliyaha ciidamada Asluubta Dowladda Federaalka ayaa sheegay, iney xabsiga dhigeen ciidamo kasoo firxaday furimaha hore ee dagaalka, oo katirsan kuwa Dowladda Federaalka.
Hadaba Shariif Shaacib, oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidamada Soomaaliya, ayaanu ka waraysanay bal sida uu u arko firxadka ciidamada Dowladda Federaalka ay kasoo sameynayaan furimaha hore ee dagaalka.