Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsXildhibaan Xaadoole oo Fashilka Dagaallada ka Socda Sh-dhexe ku Eedeeyay Cali Guudlaawe.

Xildhibaan Xaadoole oo Fashilka Dagaallada ka Socda Sh-dhexe ku Eedeeyay Cali Guudlaawe.

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo kamid ah Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu ka hadlay, fashilka iyo guuldaradda qaraar ee ay ku wajahayaan dagaallada ka socda gobalka Sh-dhexe.

Waxa masuuliyadda fashilkaas ku eedeeyay Cali Guudlaawe oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Hirshabeelle, isagoo tibaaxay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegeen Masaajid Cali Gaduud iyadoo Xasan Sheekh iyo Cali Guudlaawe ay joogaan degmada Cadale.

Maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay inuu kasoo haray oo kaliya 1 isbaaro oo ay dadka ku dhacaan, Cali Guudlaawane uusan waxba qaban, iskuna soo ooday magaalada Jowhar, haddii aan ninkaas xilka laga qaadinna ay xaaladdu kasii dari doonto.

Halkaan ka Degso Warka Xaadoole

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.