Wasaaradda arrimaha dibadda ee Al-jeeriya ayaa si adag uga soo horjeesatay go’aan kasoo baxay masuuliyiinta garsoorka ee Faransiiska, kaas oo ahaa in ay dacwad ku soo oogeen xabsigana dhigeen mid ka mid ah shaqaalaha qunsuliyada Al-jeeriya ee u fadhiyay dalka Faransiiska.
Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay shalay Sabtidii ku xaqiijisay, in Al-jeeriya ay si cad u diidayso sababaha uu soo bandhigay xafiiska waxa loogu yeero xeer ilaalinta iyo la dagaalanka argagixisada ee Faransiiska, si ay u taageerto go’aankeeda ah in shaqaalaha qunsuliyada laga sii daayo xabsiga.
Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu soo gabagabeeyay in arrintan cusub ay tahay mid aan la aqbali Karin, taas oo kala dhantaali doonta xiriirka Al-jeeriya ay la leedahay Faransiiska.
Dadka Aljeeriyaanka ah ee ku dhaqan Faransiiska ayaa wajahaya cadaadisyo badan oo kaga imaanaya dhanka xukumada Paris, taas oo salka ku haysa xurgufta siyaasadeed ee labadan ka dhex bilaabatay bilooyinkii ugu dambeeyay.
Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweynaha Al-jeeriya Abdelmadjid iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ay xaqiijiyeen horaantii bishan in xiriirka dalalkooda uu si caadi ah kusoo laabtay, kaddib mudo billo ah oo uu ka dhex jiray qalalaase xooggan, iyagoo sheegay in dib loo soo celiyay iskaashiga dhanka ammaanka iyo socdaalka, hase ahaatee arrintan ayaa mar kale dabka kusii shidaysa is afgaran waagii ka dhex jiray labadan dal.