Beeraleyda gobolka Sh/hoose ayaa ka cabanaya ciidamada Shisheeyaha Uganda oo hoobiyaal ku garaacaya habeen iyo maalin xilligii ay wax beeran lahaayeen.
Beeraley ka shaqeysata beer ay leedahay haweeney lagu magacaabo Faadumo oo jirta dalka dibadiisa kana mid ah ganacsatada Soomaaliyeed, ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay ku hayaan ciidamada Uganda oo qeyb kamid ah beertan xoog ku degan qeybtii kale ee la beerayna wixii ka baxayay baabi’inaya.
Beertan ayaa ku taalla degaan Golweyn ee udhaw magaalada Buulomareer, waxayna ciidanka shisheeyaha Uganda xoog ku degan yihiin qeyb kamid ah beerta muddo 8 sano ah, halka intii kale ee soo hartayna ay hor istaageen in la beerto, hoobiyaalna ay ku garaacayaan.