Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsDuufaanno ku Dhuftay Ciraaq oo Sababay Iney Istaagaan Duulimaadyada Dalkaas.

Duufaanno ku Dhuftay Ciraaq oo Sababay Iney Istaagaan Duulimaadyada Dalkaas.

Maamulka caafimaadka Ciraaq ayaa diiwaangeliyay in ka badan 1,800 xaaladood oo neef-qabatin, taas  oo ay sabab u tahay duufaan bacaad wata oo ku dhufatay bartamaha iyo koonfurta dalkaas, taas oo sidoo kale hoos u dhigtay aragtida, carqaladaysayna isu socodka hawada ee dalkaas.

Wasaaradda gaadiidka ee Ciraaq ayaa shaacisay, in isu socodkii hawada ee garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee magaalooyinka Najaf iyo Basra uu hakad galay, sababo la xiriira dabeylahaas, iyadoo xustay in magaalooyin ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Ciraaq ay saameeyeen mowjado boor ah oo ka dhashay dabeylo firfircoon oo dusha sare ka socda, kana imaanayay bariga Sacuudiga iyo Koonfur-galbeed ee Ciraaq.

Agaasimaha Caafimaadka ee gobolka Muthanna ee dalkaas, ayaa ku dhawaaqay, in isbitaallada ku yaalla gobalkaas ay diiwaangeliyeen, in ka badan 700 oo xaaladood oo neef-qabatin ah oo ay sababtay duufaantaas, isagoo xusay, in shaqaalaha caafimaadka la abaabulay si ay ula tacaalaan xaaladda.

In ka badan 250 xaaladood oo neef-qabatin ah ayaa sidoo kale laga soo calaamadeeyay Gobolka Najaf ee dalkaas, halka ku dhawaad ​​322 xaaladood oo neef-qabatin ahna, oo ay ku jiraan carruur, laga diiwaan geliyay gobolka Diwaniyah ee isla Ciraaq, sida ay ku warantay warbaahin caalami ah.

Gobolka koonfureed ee Basra ee isla dalkaas, ayaa sidoo kale laga helay 361 xaaladood oo neef-qabatin ah, sida ay sheegtay waaxda caafimaadka ee gobalkaas. Halka gobalka Dii-Qarna lafa helay 174 xaaladood oo xanuunkan ah.

Duufaantan ayaa waxa ay hoos u dhigtay aragga hawada sare, iyadoo uusan qofka wax ka arki karin wax ka yar hal kiilomitir, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay hay’adda guud ee saadaasha hawada iyo la socodka dhulgariirrada, ee xiriirka la leh Wasaaradda Gaadiidka ee dalkaas.

Waxaa xusid mudan in Ciraaq ay la kulantay duufaan tan la mid ah sanadkii 2022-kii, taasoo sababtay dhimashada hal ruux, halka ku dhawaad ​​5 kun oo qofna la dhigay isbitaallada dalkaas, dhibaatooyin kasoo wajahay xagga neefsiga awgeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.