Iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa dalalka Shiinaha Iyo Maraykanka oo ay ugu wacan tahay dagaalka ganacsiga ee dhawaanahan dambe cirka isku sii shareeraya iyo kordhinta canshuuraha Labada dal, ayaa Shiinuhu waxa uu Mareykanka ku eedeeyay in uu weeraro dhanka Internetka ah ku qaaday kaabayaasha tamarta ee dalkiisa.
Booliska dalkaas ayaana sheegay, in hay’adaha ammaanka ee Maraykanku inay fuliyeen weerarro dhinaca Internetka ah oo lagu bartilmaameedsaday warshadaha muhiimka ah ee wax soo-saarka Shiinaha, arrintan ayaana salka ku haysa dagaalka dhaqaale ee Labadan dal ka dhex bilowday tan iyo markii uu Trump kusoo laabtay Aqalka Cad ee Maraykanka.
Wakaalada wararka ee Shiinaha oo soo xiganaysa mas’uuliyiinta dalkaas ayaa tiri “Hay’adda amniga ee Mareykanka ee magaceeda loosoo gaabiyo (NSA) ayaa fulisay weerarro dhanka internetka ah, kuwaas oo ka dhan ahaa warshadaha muhiimka ah sida xarumaha tamarta, gaadiidka, ilaalinta biyaha, isgaarsiinta iyo hay’adaha sameeya cilmi-baarista”.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Labadan waddan ee dunida ugu dhaqaalaha badan uu cirka isku sii shareerayo, kaddib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu cashuuro badan ku soo rogay badeecadaha laga keeno Shiinaha wax ka badan Toddobaad kahor, taas oo keentay inay Bayjiin ka bixiso jawaab lamida oo ay kor ugu qaaday canshuuraha badeecadaha laga keeno Maraykanka.