Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsArday ku Dhimatay Dhisme Kusoo Dumay Tunis oo Hakad Galisay Waxbarashada Dalkaas.

Arday ku Dhimatay Dhisme Kusoo Dumay Tunis oo Hakad Galisay Waxbarashada Dalkaas.

Ururada waxbarashada iskuullada dhexe iyo kuwa sare ee Tuunis ayaa ku baaqay, in gabi ahaanba maanta oo talaado ah la hakiyo dhamaan xiisadaha dugsiyada sare iyo dhexe ee dalkaas, iyagoo ka cabanaya dhimashada sadex arday, kadib markii uu ku soo dumay mid kamida dugsiyada sare ee ku yaalla gobolka Sayidii Biwaziid ee bartamaha dalkaas.

Musiibadan ayaa Isniintii ka dhacday dugsi sare oo ku yaalla magaalada Mazuunah, oo ku taalla gobolka Sayidii Biwaziid ee bartamaha Tuunis. Ardeyda ayaana barxadda dugsiga ku sameynayay casharro jir-dhis ah, balse si lama filaan ah ayaa waxa ugu soo dumay darbi halkaasi ku yaallay oo la dhisay Siddeetameeyadii, waxaana isla goobta ku geeriyooday saddax arday, halka tiro kalana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Muuqaalo iyo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay burburka soo gaaray darbiga machadkaasi oo gabi ahaanba dumay, dhulkana ku darsamay, taas oo ardeyda iyo qoysaskooda keentay inay isugu soo baxaan barxadda iskuulka iyagoo naxsan oo argagaxsan, kuna baaqaya in baaritaan iyo isla xisaabtan la sameeyo.

Mid kamida Xildhibanada baarlamaanka ee dalkaas, oo lagu magacaabo Badru Diin Al-Qammoudiyi ayaa mas’uuliyadda wixii dhacay ku eedeeyay mas’uuliyiinta waaxda waxbarashada ee gobalka Sayidii Biwaziid, isagoo xusay in darbiga uu ahaa mid gaboobay, uuna halis ugu jiray inuu soo dumo kadib dhulgariirkii ku dhuftay magaaladaas toddobaadkii hore. Waxa uu intaasi ku daray inay jireen baaqyo soo noqnoqday oo ku saabsan dayactirkiisa iyo dib u dhiskiisa.

Dhankooda, Ururada waxbarashada ee dalkaas ayaa war-saxaafadeedka ay soo saareen ku sheegay, in mas’uuliyadda dhibaatadan ay dusha u ridanayaan wasaaradda waxbarashada iyo maamulka talada haya, taasoo ka dhalatay dayaca ka jira dib u soo celinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dugsiyada dowladda, isla markaana lagu guul-darreystay in la sameeyo qorshe qaran oo loo qoondeeyo dhaqaalaha lagama maarmaanka ah si loo badbaadiyo goobaha waxbarashada ee dalkaas.

Waxaa xusid mudan, inta badan dugsiyada iyo xarumaha waxbarashada ee dalkaas la dhisay 1980- meeyadii illaa 1990-meeyadii, kuwaas oo xilli kasta khatar ugu jira inay soo dumaan, halka maamulka ka taliya dalkaasna uu nagaha ka furaysanaya baaqyada isdaba jooga ah ee kasoo baxaya  bahda waxbarashada iyo waalidiinta ay ubadkooda dhigtaan dugsiyadaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.