Friday, April 18, 2025
HomeAll NewsDagaalka Suudaan oo 2 Sano Jirsaday, Dhabbe Nuucee ah ayuu Dalkaan Kusii...

Dagaalka Suudaan oo 2 Sano Jirsaday, Dhabbe Nuucee ah ayuu Dalkaan Kusii Socdaa?[WARBIXIN]

Kaddib Labo sano oo ay dalka Suudaan ka socdeen dagaallo ba’an oo lagu hoobtay, xaaladda militari iyo mida siyaasadeed ee dalkaas ayaa noqotay mid uu hareeyay jahwareer baahsan, waxaaana maalin kasta isbadbadalaya marxaladaha siyaasadeed ee ka jirta guud ahaan Suudaan, iyadoo dalkani uu kusii hoobanayo dagaal aan dhamaad lahayn oo u muuqda maalinba inay kooxi gacanta sare leedahay, mana jiraan wax wadahadal siyaasadeed ah oo labada dhinac isku keeni kara.

Dabayaaqada sanadkii ina dhaafay ee 2024-ka, dheelitirka awoodeed ee dalkaas ayaa si weyn isu bedelay, kaddib markii ciidamada Suudaan iyo xulafadooda ay la wareegeen inta badan goobihii ay ciidamada Taageerada Degdegga ah qabsadeen tan iyo markii uu dagaalku billowday bartamihii Abriil 2023-kii, waxaana hoos u dhacay saamayntii ay ku lahaayeen bulshada, iyagoo lumiyay awoodii ay ku lahaayeen Khartoum iyo gobollada Sinaar iyo Al-Jaziira oo ay ciidanku dib u qabsadeen.

Marka la eego arrimahan, khubarada milaterigu waxay saadaalinayaan, in muuqaalka Suudaan inta lagu guda jiro sanadkan saddexaad ee dagaalka uu noqon doono mid aad u cakiran, ayna dhici karaan dagaallo aad uga ballaaran kuwii dhacayay Labadii sano ee lasoo dhaafay, hoggaamiyeyaasha ciidanka ayaana ku dhawaaqay inay u diyaar garoobayaan weerarro lagu qaado gobollada Darfur iyo Kordofan.

Mustafa Tambuur oo ah madaxa dhaqdhaqaaqa xoreynta Suudaan oo ay ciidamadiisu ka barbar dagaalamayaan ciidamada Suudaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey, in isu dheeli tirnaanta awoodeed ee ciidamadu ay keentay in la qaato siyaasad dagaal oo sax ah, taas oo ugu horrayn diirada saaraysa difaaca, kaddibna qaadaysa weerarro kafoolkafool ah, istaraatiijiyadan ayaana ku khasabtay malayshiyaadka Dacmu sariic, inay dib u gurtaan oo ay ku jabaan goballada Khartoum, Singa, Al-Jaziira, waqooyiga Kordofan iyo magaalada Al-Fasher.

Halkaan ka Degso Warbixinta Suudaan

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.