Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsUrdun oo Xirtay 16 Ruux oo ay ku Eedeysay Farsameynta Gantaallo iyo...

Urdun oo Xirtay 16 Ruux oo ay ku Eedeysay Farsameynta Gantaallo iyo Diyaarado Drone ah.

Sirdoonka boqrtooyada Urdun ayaa sheegay, in ay gacanta kusoo dhigeen mashiinada loo yaqaano Mikhradka, kuwaas oo lagu farsameeyo noocyada kala duwan ee hubka fudud, gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Wasiirka isgaarsiinta ee dalkaas iyo afhayeenka dowladda Mohammad Al-Momani ayaa shalay Talaadadii xaqiijiyay, in la xiray 16 qof oo lagusoo oogay in ay sameynayeen gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo lagu eedeeyay inay isku diyaarinayeen hawlgallo ay kaga hortagayaan xasuuqa ay Yahuuddu ku hayso marinka Qaza.

Wakaalada wararka ee Boqortooyadaas Betra ayaa daabacday muuqaal ay ku muujinayso qaar ka mid ah raga gacanta lagusoo dhigay, kuwaas oo ka hadlaya faahfaahinta qorshahooda. Fiidiyowga ayaa sidoo kale waxaa ku jiray nuqul yar oo lagasoo duubay bakhaarrada lagu keydiyo hubka ee ay isticmaalayeen raga la qabtay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalkaas lagu xukumay 7 sano oo xarig ah, kaddib markii la sheegay inuu doonayay fulinta weerar ka dhan ah Yahuudda, waxaana marba marka kasii dambaysa soo if-baxaysa dabadhilifnimada maamulada ka jira inta badan wadama Islaamka ee la safka ah Yahuudda iyo Maraykanaka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.