Ciidamada Yukrayn ayaa ku dhawaaqay inay beegsadeen saldhiga guutada gantaalada ee Ruushka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeyeen weerarkii lagu hoobtay ee ka dhacay magaalada Sumy ee gudaha dalka Yukrayn, kaas oo ay ku dhinteen in kabadan 35 qof oo Yukreeniyaan ah, halka ay ku dhawacmeen ku dhawaad 120 qof.
Weerarkan culus ee ay fuliyeen ciidamada Yukrayn ayaa lagu beegsaday saldhiga guutada 448-aad ee ah garabka ku hawlgalada gantaalada ee ciidamada Ruushka, halkaas oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada dalkaas, waxaa sidoo kale duqayntan ka dhashay khasaare maaliyadeed oo lagu burburiyay saanad ciidan oo ay lahaayeen ciidamada Ruushka.
Kaddib wadahadalo dhawar ah oo la iskugu keenay labadan dal, kuwaas oo kusoo idlaaday fashil ayuu Ruushku wuxuu dhankiisa xoojiyay duqaymaha uu ku hayo saldhigyada ciidamada Yukrayn, taas oo uu kudoonayo inuu ku cadaadiyo maamulka Kiyev inuu ugaga tanaasulo dhulka uu haatan Ruushku gacanta ku hayo ee gudaha Yukrayn, halka Yukrayna ay dhankeeda wado iska cabin xooggan oo ay kala hor tagayso ciidamada Ruushka.
Weeraradan ay is dhaafsanayaan labada dhinac ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan waxa loogu yeero bariga dhexe Steve Witkoff ayaa sheegay, in 14-kii bishan Abriil uu wadahadalo la yeeshay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, kuwaas oo diirada lagu saarayay heshiis nabadeed oo suurtagal ah oo ku salaysan xaaladda Shan goobood oo uu ka taagan yahay muran xooggan.
Tan iyo markii uu Trump xafiiska ku soo noqday bishii Janaayo, Maraykanka ayaa dib u bilaabay wadahadalo toos ah oo uu la yeelanayo aqalka Kirimilinka ee looga arrimiyo Ruushka, wuxuuna muujiyay sida ay uga go’an tahay difaaca Yukrayn, xitaa iyadoo Ruushku uu xoojiyey weerarada ka dhanka ah goobaha rayidka.