Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsWarbixin: Maxaa Usabab ah Sare ukaca Qiimaha Dahabka ee Caalamka.?

Warbixin: Maxaa Usabab ah Sare ukaca Qiimaha Dahabka ee Caalamka.?

Qiimaha dahabka ayaa sare u kacay Talaadadii, iyada oo ay sii socoto hubanti la’aanta ku aaddan qorshayaasha lacagaha canshuuraha ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo saameynta ay ku leeyihiin dhaqaalaha adduunka.

Sicirka dahabka ee markaasi lagu kala wareegayo ayaa kor u kacay 0.4 boqolkiiba, taas oo keentay in $3,221.70  Doollar lagu kala iibsado halkii awqiyo oo dahab ah. Dahabka ayaana isniintii gaaray heerkiisii qiyaasiga ahaa ee ugu sareeyay, kaas oo ah $3,245.42 Doollar. Halka qiimaha dahabka ee beeciisa dib loo dhigana uu gudaha Mareykanka kor u kacay 0.4 boqolkiiba, isagoo gaaray $3,237.60 oo Doollar.

Diiwaanka dowladda Fedaraalka ee Maraykanka ayaa Isniintii shaaca ka qaaday, in dalkaasi uu baarayo soo dejinta dawooyinka iyo qalabka isgaarsiinta ah, iyada oo doonaysa in ay labadaas qayboodba ku soo rogta lacaga canshuura ah, waxayna tibaaxeen, in ku tiirsanaanta weyn ee wax soo saarka shisheeye ee dhanka daawooyinka iyo qalabka isgaarsiinta ay khatar ku yihiin amniga qaranka ee dalkaas.

Trump ayaa sheegay Axadii in uu ku dhawaaqi doono, qiimaha lacagaha canshuuraha ah ee lagu soo rogi doona qalabka isgaarsiinta ee la soo dhoofiyo isbuuca soo socda, taasoo kor u qaadaysa walaaca ganacsatada jaanibkaas.

Iyada oo qiimaha dahabku uu dhawaan ahaa heer iska caadi ah oo cusub, haddana wali kama uusan suulin inuu sare u kacayo, waxaana suura-gal ah in xaaladdiisa ay kusii socoto hubinta la’aantan muddo dheer, canshuuraha cusub ee ku hareeraysan awgeed, sida uu qabo Yiib Jawn ronga oo ah ganacsade Ameerikan ah.

Dhanka kale, Madaxa Kaydka Federaalka ee magalada Atlanta ee dalka Mareykanka, ninka lagu magacaabo Rafaa’iil Bostiik ayaa sheegay, in hubanti la’aanta ku xeeran canshuuraha iyo siyaasadaha kale ay dhaqaalaha si guud hakad u galiyeen, wuxuuna usoo jeediyay bangiga dhexe ee Maraykanku inuu ilaaliyo siyaasadda lacagtiisa oo uusan isbeddelin illaa ay hawshu ka kala cadaanayso.

Halkaan ka Degso Warbixinta Dahabka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.