Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsXasan Sheekh oo Qiray in Lagu Jabiyay Dagaalladii ka Dhacay Aadan-Yabaal.

Xasan Sheekh oo Qiray in Lagu Jabiyay Dagaalladii ka Dhacay Aadan-Yabaal.[DHAGEYSO]

Maalintii shalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaallo culus kula wareegay, degmada Aadan Yabaal ee gobalka Sh-dhexe.

Qabashada Aadan Yabaal oo ay Dowladda Fedaraalka saacado badan ka aamusneyd, ayaa waxaa mar qura hadlay Xasan Sheekh, isagoona qiray in looga itaal roonaaday dagaalladii shalay ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobalka Sh-dhexe.

Xasan oo goob madal ah ka hadlayay ayaa waxa qiray, in looga guuleystay dagaalladii ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobalka Sh-dhexe.

Jabkii xoogganaa ee ku gaaray degmada Aadan Yabaal ayuu ku sifeeyay xaalad dagaaal, ayna wax iska caadiya yahay in mararka qaar la ceysrsado.

Dadka taabacsan Dowladda Fedaraalka ayaa si weyn uga horyimid hadalka Xasan Sheekh, kuwaas oo sheegay inuu kusii kordhinayo niyad-jabka ka heysta dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Halkaan ka Degso Warka Xasan Sheekh

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.