Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa sheegay in maxaabiistii lagu wareejiyay Dowladda Fedaraalka aysan aheyn maxaabiis dagaal lagu qabtay.
Wasiirka Warfaafinta ee maamulka la baxay Soomaaliland Axmed-yaasiin Sheekh Cali, ayaa shir jiraa’id oo uu qabtay waxa uu kaga hadlay, maxaabiis ay dhawaan Dowladda Fedaraalka ka dajisay magaalada Muqdisho.
Waxa uu ugu horreyn sheegay in booqashadii uu Ra’iisal Wasaaraha Dowaladda Fedaraalka Xamse Cabdi Barre ku tagay magaalada Laascaanood ay tahay xadgudub bareer ah, daandaansi siyaadeed iyo hurin colaadeed sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale sheegay inuusan jirin wax wadahal ah oo ay Dowladda Fedaraalka kala yeesheen maxaabiis iyaga laga hayo, waxa uuna tilmaamay in maxaabiistii dhawaan la geeyay Muqdisho aysan aheyn maxaabiis dagaal, ayna tahay mid lagu qarinayo fashilka siyaasiga ah ee heysta Dowladda Fedaraalka.