Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo Duqeymo Khasaare Dhaliyay ka Fulisay Marinka Qazza.

Yahuudda oo Duqeymo Khasaare Dhaliyay ka Fulisay Marinka Qazza.

Guumaystaha Yahuudda ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka geystay Marinka Qaza Xasuuqyo hor leh oo ay shuhada iyo dhaawac ku noqdeen dad rayid ah oo badan caruur iyo haween, sida ay kusoo waramayaan ilo wareedyo ku sugan xayndaabka go’doonsan ee Qaza.

Toban ruux oo shacab ah ayaa ku shahiiday kuwa kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii diyaaradaha cadawga Yahuudda duqeymo xooggan la eegteen teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al-Mawasi ee galbeedka magaalada Khan Yuunis ee koonfurta marinka Qaza. Sida ay ku waranta wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.

Waxayna intaasi ku dartay, in meydadka dadka ku shahiiday duqeyntaas cadawtinimo ay gubteen kadib markii uu dab ka kacay teendhada la beegsaday, iyadoo dhaawacyada iyo Meydadka Shuhadada la dhigay Isbitaalka Naasir ee Magaaladaasi.

Bartamaha marinka Qaza ayaa la soo sheegayaa, in hal ruux uu ku shahiiday, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii ciidamada gumeystaha Yahuudda ay duqeyn ku garaaceen goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah oo ku taalla galbeedka Magaalada Dayrul-Balax.

Geesta kale, tobanaan diyaaradood oo kuwa xamuulka qaada ah ayna leedahay dowladda Maraykan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka degayay dhulka ay Yahuudda gumaysato ee Falastiin, kuwaas oo ay saaran yihiin hub yo rasaas laga soo raray saldhigyada Mareykanka ee caalamka, si uu ugu taageero xasuuqa ay Yahuuddu ka wado Marinka Gaza, sida ay Arbacadii  shalay tabiyeen Warbaahinta cibriga ku hadla ee Yahuudda.

Waxayna warbaahinta Yahuudda intaasi ku dareen, in hubkaasi ay kamid ahaayeen bambaanooyinka culus ee loo yaqaano MK-84 iyo rasaas kale oo loogu talagalay in lagu taageero howlgallada militari ee ka socda Marinka Qaza, iyo sidoo kale isu-diyaarinta weerar suurtagal ah oo lagu qaado dowladda Iran, waa haddii wadahadallada u socda Washington iyo Tehran ay fashilmaan.

Mareykanaka ayaana si indha la’aan ah u taageeraya Maamulka uu majaraha u hayo mujrimka dhiig-yicabka ah ee Binyimiin Natanyaahu, iyadoo malaayiin Muslimiin ahna ay isha ka daawanayaan waxa ay labadaasi maamul ka geysanayaan Marinka Qaza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.