Maalintii shalay wasaaradda difaaca ee dowladda Ruushka ayaa war ay soo saartay ku sheegay, iney burburiyeen 42 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, kuwaasoo ay sheegtay iney kusoo weerartay xukuumadda Ukraine ee dagaalku kala dhaxeeyo.
Diyaaradaha afartanka kor udhaafaya, ayaa waxaay kusoo dhaceen Koonfurta dalka Ruushka iyo bartamihiisa, 32 kamid ah ayaana lagu burburiyay mandiqadda Baryaansik, halka labo kalena lagu soo riday Mooskoow.
Ruushku ma aysan sheegin wax khasaare ah oo kasoo gaaray diyaaradahan xilliga ay soo ridayeen, Ukraine ayaana marar badan sidan oo kale diyaarado Drones ah ugu weerartay Ruushka.