Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Turkiga ay joojisay teegaradii xagga hawada aheyd ee ay siin jirtay Dowladda Fedaraalka, sida laga soo xigtay saraakiil ciidan.
Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ayaa marar badan isku dayday iney arrintaan kala hadasho Turkiga sida ay xoguhu tilmaamayaan, balse wax natiijo ah kama soo bixin dadaalladaas.
“Dhowr jeer waxay Turkidu dheheen Rasaas ma hayno,’” ayuu yiri xubin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Fedaraalka oo ay soo xoganeyso warbaaahinta maxalliga ah.
Sababta ka dambeysa joojinta taageeradii xagga hawada ee Ankara ayaa lagu sheegay, in Turkigu uu kasoo horjeedo xil ka qaadistii lagu sameeyay Wasiirkii Gaashaandhigga Dowladda Fedaraalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur, sida ay saraakiil ciidan u xaqiijiyeen saxaafadda.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka safarro kala duwan ku tagay dalalka Jabuuti, Uganda iyo Turkiga, kuwaas oo uu ka doonayay iney kala qeyb galaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dhammaan safarradaas ayaa noqday kuwa fashilmay, iska daa inuu caawinaad ka helo’e waxa uu Xasan Sheekh wajahay bahdilaad foolxun, waxaana ay qaarkood sida Turkiga ay si cad u sheegeen ineysan waxba uheynin.
Tallaabadaan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa iyadoo Dowladda Mareykanka ay horay u joojisay mushaarkii ay siin jirtay Mutazaqada Danab ee ay iyadu tababaratay, arrintaas ayaana walaaca kusii kordhisay Dowladda Fedaraalka.