Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ah musharrax madaxweyne horayna usoo noqday Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Fedaraalka, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay ku jiraan xaalad amni oo halis ah, isagoona xusay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna ay ku sugan tahay koontaroollada laga soo galo magaalada Muqdisho.
Dowladda Fedaraalka ayuu sheegay in difaacyadeedu yaallaan meel ka sokeyso Balcad iyo Afgooye, taasna ay muujineyso in burburkooda uu soo dhaw yahay.