Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsWasiir Fiqi oo Sheegay in Weerarada Al-Shabaab ay Horjoogsadeen Boobka Kheyraadka Dalka.

Wasiir Fiqi oo Sheegay in Weerarada Al-Shabaab ay Horjoogsadeen Boobka Kheyraadka Dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay, in weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe hor istaageen, qorshayaal Shisheeye oo khayraadka dalka lagu boobi lahaa.

Axmad Macallin Fiqi oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Fedaraalka ayaa qiray in hawlgallada culus ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xaqiijiyeen ahadaf dhowr ah oo ay dadka iyo dalka Soomaaliyeed dani ugu jirto.

Wuxuu hadalkiisa ku muujiyay Fiqi, in weeraradaasi ay ka hor tageen qorshayaal dhowr ah oo shisheeye, kuwaasoo ay rabtay Dowladda Fedaralku iney ka fuliso gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud.

Waxaa kamid ah waxayaabaha uu carrabka ku dhuftay, islamarkaana weerarada Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab noqdeen caqabad ku hor gudban, mashruucii shidaal qodista lagu sheegay ee ay ku hawlanaayeen Dowladda Fedaraalka iyo tan Turkiga, iyo sido kale, mashriic kale oo ay rabeen iney ka sameeyaan degmada Cadale.

Halkaan ka Degso Warka Fiqqi

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.