Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Diiday Maalgalinta Ciidanka Shisheeye ee Duullaanka ku Jooga Dalka.

Mareykanka oo Diiday Maalgalinta Ciidanka Shisheeye ee Duullaanka ku Jooga Dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa diiday maalgelinta ciidamada shisheeye ee ku duulay Soomaaliya, halka Qaramad Midoobayna ay sheegtay cabsi la xiriirta suurta galnimada burburka hawlgalka magaciisa loosoo gaabiyo AUSSOM, sababo la xiriira dhaqaalo la’aan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa sheegay, in Soomaaliya aysan ku habooneyn, in lagu tijaabiyo nidaamka isku dhafka, ee maalgelinta ciidamada shisheeye, kuwaasoo Soomaaliya joogay tan iyo sanadkii 2007-adii.

Dhanka kale waxa loogu yeero golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa15 bisha soo socota ee May qorsheynaya, inuu qabto kulan loogu hadlayo maalgelinta ciidamada shisheeye.

Halkaan ka Degso Warka Diidmada Mareykanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.