Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsRuushka & Ukraine oo is Dhaafsaday Meydadka ku Dhawaad 1,000 Askari oo...

Ruushka & Ukraine oo is Dhaafsaday Meydadka ku Dhawaad 1,000 Askari oo ay Iska Dileen.

Xukuumada Kiyeef ayaa shaaca ka qaaday, in ay soo gaareen meydadka boqolaal askari oo Yukreeniyaan ah oo lagu dilay dagaalka ay kula jiraan Ruushka,  dadaaladan la isku dhaafsanayo maydadka ciidamada labada dhinac ka kala dhintay ayaa noqonaya markii labaad muddo saddex toddobaad gudahood ah.

Hay’adda Iskudubaridka ee daawaynta maxaabiista dagaalka ayaa warbixin ay siisay warbaahinta ku sheegtay, in Yukrayn lagu wareejiyay in kabadan 900 oo askari oo mayd ah,  kuwaas oo ku dhintay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dhulka ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada Ruushka.

inkasta oo uu Ruushku uusan dhankiisa sheegin tirada askarta maydadka ah ee lagu wareejiyay, balse warbaahino iyo illo militari oo ku sugan dalkaas ayaa ku waramaya, in Moskow lagu wareejiyay 41 askri oo mayd ah, sida lagasoo xigtay Shamsil Sarali’eef, oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka dalkaas qaybna ka ah guddiga kormeeraya dagaalada ay kula jiraan Yukrayn.

Bartamaha bishii Febraayo ee sanadkan, madaxweynaha Yukrayn Faladamiir Salaniski ayaa u sheegay wakaalada NBC Niyuus, in inka badan 46 kun oo askari laga  dilay dalkiisa lagana dhaawacay ku dhawaad ​​380 kun oo askari tan iyo markii uu bilowday dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ruushka.

Dhanka kale, baaritaano ay sameeyeen shabakadaha Medhiya-Zona iyo laanta Ruushka ee BBC-da ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad ​​100 kun oo askari oo Raashiyaan ah lagu dilay dagaalada  socda sanadkii Afraad oo xiriir ah, in kastoo uu Ruushku sheegtay in uu dagaaladaas ku waayay  6 kun oo askari oo kaliya.

Arrimaha la xiriira Isdhaafsiga askarta Labada dhinac ka kala dhimatay ayaa ku soo aadaysa, iyadoo ay u muuqdaan inay fashilmeen dadaaladii uu Mareykanku ku doonayey in lagu heshiisiiyo dalalkan, kuwaas oo dhawr mar ka qabsoomay wadamada Sucuudiga iyo Turkiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.