“Waan dagaalami doonnaa illaa dhammaadka!” waa orahdii u afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Liin Jiyeena, uu ku goodiyay 8-dii bishan Abriil inuu sii wadi doono iska horimaadka Mareykanka haddii uu doonayo inuu sii wado dagaalka ganacsiga ee ka dhanka ah Shiinaha.
4-tii bishan, Shiinuhu wuxuu Mareykanka kusoo rogay xayiraad dhaqaale oo ballaaran, kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu 2-dii Bishan Abriil ku dhawaaqay, in canshuuro boqolkiiba 34 uu kusoo rogay inta badan waxyaalaha laga soo dhoofiya Shiinaha.
Mowjado xiisado ah kadib, wasaaradda maaliyadda ee Shiinaha ayaa Jimcihii la soo dhaafay shaacisay, in Biijiin ay ku soo rogi doonto canshuur dhan boqolkiiba 125 badeecadaha Mareykanka laga bilaabo Sabtida, taasoo jawaab u ah ku dhawaaqista Aqalka Cad ee canshuuraha cusub ee dhaqan galay Khamiistii la soo dhaafay, taasoo sare u qaaday canshuuraha dheeraadka ah ee lagu soo rogay alaabada Shiinaha laga keeno boqolkiiba 145.
Trump ayaa had iyo jeer si ula kac ah ugu qasda madmadowga, taas oo qayb ka ah xirfadihiisa wax-ku-qabsiga ah, sida ay taageerayaashiisa sheegeen, qofna ma hubo in uu dhab ahaantii doonayo in uu xiriirka ganacsiga u jaro dalka Shiinaha si uu uga xayuubiyo faa’iidooyinka nidaamka ganacsiga ee caalamiga ah, ama in canshuuraha uu soo rogay ay yihiin un qalab gorgortan oo lagu gaaro heshiisyo ganacsi oo u adeegaya danaha dalkiisa, si la mid ah heshiiska ganacsi ee 2020-kii uu dalkaasi la galay.
Waxaase hubaal ah in dagaalka ganacsiga ee sida xawliga ah u sii xoogaysanaya uu keenay heer aan la isku afgaran karin heshiis dhow, inkastoo cawaaqib xumada ka dhalata arintaas ay si isku wada mid ah darbo ugu dhufandoonta ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal, iyadoo mid kasta oo kamida labada dhinac uu isku sharaxayo inuu xiisadda intaan kasii kordhiyo.