Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsWalaaca Laga Qabo Masiirka Dowladda Fedaraalka oo Isa Soo Taraya.

Walaaca Laga Qabo Masiirka Dowladda Fedaraalka oo Isa Soo Taraya.[DHAGEYSO]

Prof Maxamed Xaaji Ingariis oo ah Aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha taariikhda si gaar ah Soomaaliya iyo geeska Afrika, ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda hubanti la’aanta ah ee ay wajheyso Dowladda Fedaraalka.
Si lamid ah madax iyo siyaasiyiin isaga ka horreeyay, ayaa waxa uu aqoonyahankaan ka hadlay suuratalnimada in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegto magaalada Muqdisho oo xarun u ah Dowladda Fedaraalka.
Qoraal kooban oo uu kusoo qoray barta uu ku leeyahay “X” ee horay loo oran jiray Twitter ayuu Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ugu baaqay inuu is casilo.
“Ka hor inta aanu qoyskiisa la baxsan, sidii Bashar Al-Asad iyo Ashraf Ghani , Xasan Sheekh waa inuu is-casilaa, inta aanay Al-Shabaab go’doomin Muqdisho.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Prof Maxamed Xaaji Ingariis oo ah Aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha taariikhda si gaar ah Soomaaliya iyo geeska Afrika.
Waxa uu geesta kale ka dhawaajiyay in ciidamada Dowladda Fedaraalka ay burbureen, isagoo tusaale usoo qaatay in furimaha uu ka firxaday Odawaa Yuusuf Raage oo ah taliyaha ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Isagoo Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh dareensiinaya xaaladda dhabta ah ee ay wajageyso dowladdiisa ayuu sidoo kale yiri “Ha iska indhatirin xaqiiqda hortaada taalla.”
Hadalka Aqoonyahankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo ay mudooyinkii lasoo dhaafay ay isa soo tarayeen, siyaasiyiinta walaaca ka muujinaya masiirka Dowladda Fedaraalka, waxaana ay qeylo-dhaantooda isa soo tartay wixii ka dambeeyay markii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegtay degmada Aadan-Yabaal ee gobalka Sh-dhexe.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.