Dowladda Yukrayn ayaa shaaca ka qaaday, in Ruushka uu jabiyay xabad joojintii uu shalay ku dhawaaqay Aqalka Kirimilinka ee looga arimo dalkaas, ayna Mosko tobanaan weerar oo dhanka cirka ah ka fuliyay dalkeeda, sida laga soo xigtay Madaxwaynaha Yukrayn Faladamiir Zalaniski.
“Dhawaaqa madaafiicda Ruushka ayaa laga maqlayaa jiiddda hore, inkastoo madaxweynaha Ruushka uu ballanqaaday inuu dejin doono xaaladda, balse Colaaddu way sii socotaa, duqeymaha Ruushkana waa kuwa aan istaagin,” ayuu Zalaniski ku daabacay bartiisa “X”, isagoo soo xiganaya warbixin uu soo saaray taliyaha guud ee ciidamada Yukrayn .
Zalaniski oo hadalkiisa sii wata ayaa xaqiijiyay, in Ruushka uu illaa 387 jeer uu duqeymo ku garaacay Yukrayn shalay maqribnimadii illaa saqdii dhexe ee xalay. Halka Mosko aysan wali wax jawaab ah ka bixin eedaymahaas.
Hadalladan ayaa yimid kadib markii Putin uu shalay ku dhawaaqay, xabbad joojin soconaysa illaa 21-ka bishan Abriil oo ka hirgasha Yukrayn, isagoo dhanka kalana ugu baaqay ciidamadiisa, inay iska caabiyan daandaansi kasta oo uga yimaada dhinaca Yukrayn.
Si kastaba ha ahaatee, dowlaha reer Galbeed oo uu ugu horeeya Mareykanka ayaa ku daalay dirirta u dhaxayso dowlaha Yukrayn iyo Ruushka, iyagoo dhawr mar oo ay isku dayeen inay hashiis xabad joojin ah dhex dhigaan labada dhinac aysan wax natiijo ah ka gaarin.