Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsMaxaa ka Dambeeya in Ciidanka Aamniga Masar ay Xiraan Dadka Rayidka ah?

Maxaa ka Dambeeya in Ciidanka Aamniga Masar ay Xiraan Dadka Rayidka ah?[WARBIXIN]

Xadgudubyada dhanka ammaanka ah ee ka dhanka ah muwaadiniinta Masar ayaa wali halkooda kasii socda. Todobaadkan waxaa dalkaasi ka dhacay dhowr dhacdo oo murugo leh, taas oo ahayd in Labo wiil oo dhalinyaro ah lagu toogtay waqooyi galbeed dalka Masar,  sidoo kale waxaa la xaqiijiyay dhimashada maxbuus kale oo jirdil loogu geystay saldhiga booliska ee caasimadda dalkaas Qaahira. Arrintan ayaana lala xiriirinayaa dhibaatooyinka dhaqaale iyo cadaadisyada ka jira dalkaas.

Maxbuus siyaasadeed oo isna ku xirnaa xabsiyada dalkaas ayaa isdilay, halka dayacaad caafimaad ay u dhinteen Labo kale oo kamid ahaa maxaabiista siyaasadeed ee dalkaas ku xiran, waxaa intaas dheer in la layahay xogta tobannaan qof oo si qasab ah looga kaxaystay deegaanadooda, kuwaas oo ay laamaha amnigu ku eedeeyeen inay ka tirsanaayeen wax ay ugu yeeraan kooxaha argagixisada.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee dalka Masar ayaa sii wada isku dayga ay ku barakicinayaan dadka deggan Jasiiradda Waraq, oo ku taalla bartamaha webiga Niil ee Qaahira, iyagoo weerarro isdaba joog ah ku haya dadka deggan Jasiiradaas. Ciidamadan ayaana sidoo kale xir-xiray shaqaale badan oo ka tirsan Shirkadda dharka ee Samnuud, kuwaas oo dalbanayay in la siiyo mushaharkooda xiligay ay askarta dawladdu xabsiga dhigayeen.

Isbahaysi ka kooban dhawar hay’adood oo ka jira dalka Masar oo ay kamid yihiin Guddiga cadaalada, Al-Shihaab, Shabakada Masar ee xuquuqda aadanaha iyo ururka Najdah ayaa soo saaray Bayaan wada-jir ah maalinimadii Arbacada ee la soo dhaafay, kuwaas oo ku baaqay in lajoojiyo jirdilka joogtada ah ee sii kordhaya iyo dayaca caafimaad ee ula kac ah ee ka jira xabsiyada dalkaas, gaar ahaan xabsiyada  Badar, Burjul-Carab iyo Waadil-Jadiid, kuwaas oo khatar ku ah nolosha kumanaan maxaabiis ah.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu xusay dhimashada afar qof oo kamid ahaa dadka ay ciidamada dawladdu dileen bishii Janaayo ee lasoo dhaafay, kuwaas oo kala ahaa Cabdisalaan Maxamuud Saduuma, Saad Al-Sayid, Abu Al-Maajid Sulaymaan iyo Ahmed Jabr.

Khalaf Bayuumi oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ayaa mar uu ka hadlayay hawlgallada amni ee sii kordhaya ee ka dhanka ah dadka Masaarida ah, kuwaas oo  ka socda magaalooyinka Qaahira iyo Waraq, ayuu wuxuu xusay in dhamaan gabood faladaas ay noqdeen kuwo joogto ah oo aan lahayn xarig dabra.

Waxa uu tilmaamay dambiyo hore oo kuwii ka dambeeyay aan wax maxkamad ah lagu soo oogin, sida dhacdo lagasoo calaamadeeyeey dalkaas 18-ka bishii Sideed sanadkii 2013-ka, taas oo ay ku dhinteen 38 qof oo Masaari ah, shan sano kaddib dhacdadas naxdinta leh waxaa sarkaakiishii ka dambaysay lagu xukumay Shan sano oo xarig ah ka hor inta aan xukunkaas laga dhigin 10 sano.

Halkaan ka Degso Warbixinta Masar

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.