Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 40 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Duqeymo...

In ka Badan 40 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Duqeymo uu Maraykanku Ku Qaaday Yemen.

Diyaaradaha dowladda Maraykanka ayaa silsilado weerarro ah ku qaaday goballa kala duwan oo ka tirsan Yemen, kuwaas oo qaarkood ay ka dhasheen dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Warbaahinta taabacsan kooxda Xuutiyiinta ayaana sheegtay, in 12 ruux ay ku nafwaayeen, halka 30 kalana ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka ku garaaceen suuq ku yaalla xaafadda Farwa ee bartamaha caasimadda Yemen ee Sanca.

Warbaahintaas dalkaas ayaana baahisay, muuqaalo muujinaya burburka soo gaaray dhismayaal badan sida, dukaamo iyo gawaari la duqeeyay, iyadoo dadwaynaha ay isku dayayeen inay damiyaan dab ka kacay halkaas ama ay la tacaalaan dhaawacyada faraha badan ee  ka dhashay duqeymahaas.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in afar weerar oo cirka ah ay diyaaradahaasi la beegsadeen koonfurta magaalada Sacda ee waqooyiga Yemen galabnimadii shalay, iyadoo aan la sheegin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashat weeraradaas.

Halka lasoo warinayaa celcelis ahaan, in diyaaradaha Mareykanka ay in ka badan 10 weerar oo dhanka cirka ah ku garaaceen caasimada Sanca iyo gobolada Ma’rib iyo Xudeyda.

Sidoo kale waxaa korortay tirada dadka ku nafwaayay duqeymo uu Mareyknka Fiidnimadii Khamiista ku qaaday dekedda Raas Ciise ee gobolka Xudayda, taas oo dhimashada ay gaartay 80 qof, halka dhaawacana uu cagacagaynayo 150 ruux, sida lagu sheegay xog ay bixiyeen garabka caafimaadka ee Xuutiyiinta.

Tan iyo 15-kii bishii Maarso, Mareykanka ayaa boqolaal duqeymo cirka ah ku qaaday Yemen, isagoo dilay in ka badan 200 oo rayid ah, halka in ka badan 400 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay xogta maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee taageerada iyo taakulayntaba ka hela dowladda Shiicada Iiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.