Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsSuuriya oo Gacanta ku Dhigtay Hub Badan oo Lagu Qarinayay Qaar kamida...

Suuriya oo Gacanta ku Dhigtay Hub Badan oo Lagu Qarinayay Qaar kamida Gobalada Dalkaas.

Maamulka dawladda Suuriya ayaa shalay Axaddii ku dhawaaqay, in ay gacanta ku dhigeen  hub tiro badan, kuwaas oo lagu kaydinayay baadiyaha magaalooyinka Darcaa iyo Xims oo ku kala yaalla koonfurta iyo Bartamaha dalkaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa war ay soo saartay ku sheegtay, in taliska guud ee amniga Xims ay qabteen tiro hub ah oo isugu jirta kuwa fudud iyo kuwa dhexe, waxaana hubkan gacanta ku hayay kooxo mucaarad ah oo ka haray ciidamada maamulkii hore ee la riday.

Dhinaca kale, maamulka gobolka Darca ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Telegramka ku sheegay, in ciidamada gobolkaas ay qabteen baabuur ay saaranaayeen hub kala duwan oo ay ku jiraan gantaalada lidka taangiyada, kuwaas oo si qarsoodi ah looga soo saaray magaalada Dimishiq loona waday gobolka Suwaydah ee dhaca koonfurta Suuriya.

Hawgaladan ayaa imaanaya, iyadoo ciidamada nabadsugida ee dalkaas ay weeraro ka fuliyeen galbeedka iyo waqooyiga magaalooyinka Daacil iyo Ibdac, kuwaas oo kawada tirsan gobolka Darca, weeraradan ayaana lagu beegsaday kooxo burcad ah oo ku howlanaa xatooyada iyo ka ganacsiga hubka sharci darada ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.