Dadka falanqeeya arrimaha militariga iyo siyaasadda ayaa sheegaya, in duqeymaha xooggan ee Mareykanka uu la beegsanayo goobaha ay Xuutiyiinta ka maamulaan Yemen aysan ku dhisnayn haba yaraatee wax istiraatijiyad ah, halka dhanka kalana ay tilmaameen, in aysan suurta gal ahayn howlgal dhanka dhulka ah oo uu Mareykanku ku qaado dalkaas.
Hadalladan ayaa imaanaya, iyadoo Mareykanka uu duqeymo aan loo meel dayaynin uu ku garaacayo 11 gobal oo kamid ah Yemen tan iyo 15-kii Maarso, laga soo bilaabo Sanca iyo Sacdah illaa Xudeyda iyo Ma’rib, iyadoo ay jirto dood ku saabsan, waxtarka weeraradaas iyo cawaaqibkooda siyaasadeed iyo kuwa militari.
Marka la eego suurtogalnimada hawlgal dhulka ah oo uu Maraykanku ku qaado Xuutiyiinta, Axmed Al-Shalafi, oo ah tafaftiraha Al-jaziira ee arrimaha Yemen, ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray arintaas, isaga oo sharaxay, in Washitoon laga yaabo inay isku koobto taageerada kooxaha maxalliga ah oo kaliya balse aysan ciidamadeeda gelinin Yemen, arintaas oo caqabad ku noqon karta wada xaajoodyada ay kula jirto dowladda Iiraan ee taageerto maleeshiyaadkaas.
Dhankiisa, khabiir malatiri oo lagu magacaabo Faayiz Al-Duwayri ayaa sheegay, in gelitaanka ciidamada Maraykanka ee Yemen ay noqon doonto arrin khatar ku ah iyaga, marka loo eego dabeecadda dhulkaas, oo la mid ah kan Afgaanistaan, kaas oo ka hortagaya faragelin kasta oo dhinaca dhulka ah. Waxa uu intaasi ku daray, in taariikhda milatari ee Maraykanku ay inta badan ku guuldareysteen dagaallo aan lahayn ujeedooyin siyaasadeed oo cad, laga bilaabo Fiitnaam, Ciraaq illaa Afgaanistaan.
Duwayri ayaa intaasi ku daray, in Washitoon laga yaabo, in ay kaliya ku dhaqaaqdo hawlgalo xaddidan, oo bartilmaameedsan, sida in ciidamadeeda cirka ay hawlgallo abaabulan oo dhanka cirka ah ku qaadan goobaha ay maamulaan Xuutiyiinta, taas oo looga gol leeyahay in lagu afduubo ama lagu cirib tiro hoggaamiyeyaasha xoogagga Xuutiyiinta, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay, in haddii ay isku daydo, inay duulaan dhulka ah ku qaado Yemen ay ka bixi doonta iyadoo guul-darro dhabarka loo saariyay.