Habeenkii xalay waxaa gobalka Galgaduud ka dhacay dil loo geystay, Sade Daahir Caanood Gulaafe oo ahaa taliyihii hore ee ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku-xigeenka maamulka la baxay Galmudug.
Kooxo hubeysan ayaa lasoo warinayaa iney wadada ugaleen sarkaalkaan xilli uu ku safrayay wadada isku xirta Caabudwaaq iyo Balanbale, gaar ahaan degaanka Ceelasha ee gobalka Galgaduud.
Waxaa sidoo kale la sheegayaa inuu dhaawacmay mid kamid ah dadkii saarnaa gaariga uu soo raacay sarkaalkaan katirsan maamulka la baxay Galmudug ee lagu dilay gobalka Galgaduud.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dilkaan loo badinayo inuu salka ku hayo aanooyin qabiil, waxaana maalmihii lasoo dhaafayba gobalkaan ka dhacayay dilalka nuucaan ah.
Dhawaan ayay aheyd markii aano qabiil loo dilay gudoomoyihii hore ee degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud oo lagu magacaabi jiray Xasan Caabud-Waaq, waxaana la toogtay isagoo saaran gaari ka baxay degmada Cadaado kuna sii jeeday magaalada Caabud-Waaq.