Cabdullaahi Fartaag oo ah Wasiirka Amniga ee Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu isku dayay inuu marin habaabiyo, xaqiiqada dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobalka Sh-dhexe.
Waxa uu gabi ahaanba dafiray in ay ku jabeen dagaalkii ka dhacay Aadan-Yabaal, magalaadaasna ay uga soo baxeen xeelad dagaal sida uu hadalka udhigay.
Muuqaallada iyo sawirrada xaqiiqada ku saleysan ee laga keenay furimaha dagaalka ayuu ku sifeeyay borobogaando, isagoo xittaa isku dayay inuu uqiil dayo hadalkii uu Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ku qiray inuu kusoo jabeen dagaalkii Aadan Yabaal.
Halkaan ka Degso Warka Wasiirka