Wednesday, April 23, 2025
HomeAll NewsMaraykanka oo 40 Duqeymo ah ku Beegsaday Goballo Kala Duwan oo ka...

Maraykanka oo 40 Duqeymo ah ku Beegsaday Goballo Kala Duwan oo ka Tirsan Dalka Yemen.

Fiidnimadii Isniinta illaa subaxnimadii hore ee maanta, diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa duqeymo xooggan oo xiriir ah ku qaaday dhowr gobol oo ka tirsan dalka Yemen, weeraradan ayaa gaarayay ku dhawaad ​​40 duqayn oo lala beegsaday caasimada Sanca iyo gobolada Ma’rib iyo Xudeydah, sida ay sheegeen warbaahin xiriir la leh kooxda Xuutiyiinta.

Magaalada caasimadda ah ee Sanca, ayaa lagasoo sheegayaa in diyaaradaha Maraykanka ay illaa saddex weerar ku qaadeen degaanka Brash ee dhaca bariga buurta Nuqum. Sidoo kale deegaanka Al-Mahjar oo ka tirsan degmada Sanxaan ee bariga Sanca ayaa la kulmay weerarro isdaba joog ah oo lagu beegsaday xarumo ay sugnaayeen kooxda Xuutiyiinta.

Gobolka Ma’rib ee waqooyi bari ka xiga magaalada Sanca ayaa lagusoo waramayaa, in ay diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen illaa Afar duqeyn oo xiriir ah, taas oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa goobaha la weerary, inkastoo aysan jirin wax tafaasiil ah oo muujinaya xadiga khasaaraha.

Dhanka kale, warbaahin xiriir dhow la leh Xuutiyiinta ayaa xaqiijisay in diayaaradaha Marayakanku ay duqaymo culus ka fuliyeen gobolka Xudeydah ee dhaca galbeedka Yemen, kuwaas oo si gaara ah u bartilmaameedsaday Jaziirada Kamaran, duqayntan ayaana noqoneysa duqayntii tobnaad oo lagu qaado jasiiraddan tan iyo dabayaaqada bishii ina dhaaftay ee Maarso.

Weeraradan isdaba jooga ah ayaa imaanaya kaddib markii kooxda Xuutiyiintu ay shalay ku dhawaaqeen, in ay weerar ku qaadeen laba bartilmaameed oo ku yaalla dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato ee Falastiin, waxay sidoo kale sheegeen inay beegsadeen  maraakiibta diyaaradaha xambaara ee uu leeyahay Maraykanka, kuwaas oo kala ah Truman iyo Vinson oo ku sugnaa badda cas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.