Wednesday, April 23, 2025
HomeAll NewsBurkina Faso oo ku Dhawaaqday inay Fashilisay Afgambi Malatari oo Iyada ka...

Burkina Faso oo ku Dhawaaqday inay Fashilisay Afgambi Malatari oo Iyada ka Dhan ah.

Dowladda Burkiina Faaso  ayaa ku dhawaaqay, in ciidamadeeda ammaanka ay fashiliyeen qorshe la doonayay in lagu afgambiyo dowladda hayso talada dalkaasi, sada uu xalay wasiirka amniga ka sheegay taleefishinka dalkaas.

Wasiirka ayaana shaaca ka qaaday, in askar gooni ugoosad ah, ay qorsheynayeen weerar ka dhan ah madaxtooyada 16-kii bishan Abriil, iyagoo docda kalana qorshaynayay weerarro abaabulan oo lagu qaado dalkaas oo dhan, waa sida uu hadalka u dhigayee.

Mas’uulkaan oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay, in la fashiliyay isku daygaan afgambiga ah, isaga oo uga mahad celinaya waxa uu ugu yeeray feejignaanta ciidamada sirdoonka iyo khabarkaas oo soo gaaray waqtigiisii munaasabka ahaa.

Ilo wareedyo kala duwan ayaana  warbaahinta u sheegay, in dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay Burkiina Faaso ka dhaceen xarig baahsan oo lagula kacay tiro askar, saraakiil amni iyo saraakiil xigeen ah, kuwaas oo ay dowladda ku tuhuntay, inay ka danbeeyeen afganbigaas.

Warbaahin laga leeyahay dalka Faransiika ayaana daaha ka qaaday, todobaadkan in laba sarkaal laga xayuubiyay xilalkii taliyeyaasha cutubyada. Iyadoo intaasi ku dartay, in qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha golaha milateriga ee hadda jira ay ka hadleen afganbigaas dhicisoobay, kaas oo lagu eedeeyay, in ay ka danbeeyeen hoggaamiyeyaasha ciidamada dalkaas ee ku nool dibadda.

Xogaha ayaa intaasi ku daray, in jawiga amniga ee ciidamada dalkaas uu hadda yahay mid kacsan. Halka hogaamiyaha Burkiina Faaso Ibrahiim Taraaweer, uu dhowr isbeddel ku sameeyay hoggaanka milatariga, isagoo bedelay shakhsiyaad lala xiriiriyay isku daygaan.

Burkiina Faaso ayaana ka mid ah dalalka dhaca gobolka Saaxilka ee galbeedka Afrika oo inta badan lagu arko hogaamiyaasha ciidamada oo isku haya awoodda madaxtooyada ee caasimadda Waaghaaduughoo.

Tan iyo markii hogaamiyaha da’da yar ee Ibrahiim Taraaweer uu afgambi ku qabsaday talada dalkaas 2022-kii, waxa ay janaraallada la ayniga ahi isku dayeen inay ninkaasi afgambiyaan shan jeer, balse dhamaan isku dayadaas ayaa dhicisoobay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.