Ciidamada Ruushka ayaa dib u bilaabay dagaalkii ay kula jireen Yukrayn, kaddib xabad-joojin socotay mudo 30 saacadood ah oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Ruushka Faladamiir Buutin, weeraradan oo ay labada dhinac isku waydaarsadeen ayaa gaystay khasaare maaliyadeed oo baaxad leh.
Madaxwaynaha Ruushka oo warbaahinta dalkaas la hadlay ayaa sheegay, in Ciidamadiisu ay dib u bilaabi doonaan hawl-gallada milatari ee ay ka wadaan gudaha dalka Yukrayn, saacado yar kaddib markii uu dhamaaday wakhtigii xabad-joojinta, isaga oo intaas ku daray in uu ka jawaabi doono hindise kasta oo lagusoo dabaalayo nabad waarta, haday Yukrayn samayso tanaasul dhuleed oo ay ku joojinayso dagaalka.
Ciidamada Cirka ee Yukrayn ayaa sheegay, in Ruushku uu 96 diyaaradood oo aan duuliye lahayn iyo saddex gantaal uu kusoo weeraray goballo kala duwan oo katirsan Yukrayn, kuwaas oo khasaare culus gaarsiiyay kaabayaal dadwayne oo ku yaalla gobolka Kharkiif iyo deegaano kale.
Waxay sidoo kale ciidamadaasi sheegeen, in nidaamyadooda difaaca uu ku guulaystay soo ridida 42 diyaaradood oo ahaa nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo qayb ka ahaa duulaanka uu Ruusku kusoo qaaday gobalada Yukrayn, nidamyadan difaaca ayaa sidoo kale hawada ka saaray 47 kale, kuwaas oo qayb ka ahaa duulaanka.
Weerarradan ayaa kusoo beegmaya iyadoo labada dhinac ay isku eedeynayaan inay jebiyeen heshiiskii xabbad-joojinta ee socday mudada 30 saacadood ahaa, warbaahinta Yukrayn ayaana dhankeeda sheegtay, in duqaymihii uu Ruushku ka fuliyay gudaha Yukrayn intii lagu guda jiray xabad-joojinta ay ku dhinteen illaa 3 qof oo shacab ahaa.