Wednesday, April 23, 2025
HomeAll NewsSuuratalnimada Dagaal Xagga Badda ah oo Dhexmara Mareykanka iyo Iiraan.

Suuratalnimada Dagaal Xagga Badda ah oo Dhexmara Mareykanka iyo Iiraan.[WARBIXIN]

Waxaa kor u kac laga dareemayaa hanjabaadaha ay is waydaarsanayaan dawladda shiicada ee Iiraan iyo Yahuudda, iyaga oo is dhaafsaday duqaymo culus oo burburiyay kaabayaal militari, waxaa sidoo kale koror ku yimi duqaymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Yemen iyo Xuutiyiinta. Falanqeeyayaasha ayaana rumeysan in dagaal furan oo dhinacyo badan leh laga yaabo inuu sanadkan dhaco. In kasta oo Maraykanku uu diiradda saarayo maraakiibta iyo gantaalada balaastiga ah ee Iiraan, waxaa sidoo kale la saadaalinayaa haddii uu qarxo iska hor-imaad ka dhaca badda ay dagaalada socda yeelan doonaan cabbir ka duwan kan haatan ka dhacaya gobolka, kaas oo aan la arag muddo tobanaan sano ah.

In kasta oo baabuurta gaashaaman, diyaaradaha dagaalka, kuwa aan duuliyaha lahayn, nidaamyada difaaca hawada iyo ciidamo lug ah ay muddo dheer ka qayb qaadanayeen dagaallo lala galo Yahuudda, waxaa hadana dagaaladaas marna qayb ka noqon awood badeed, taas oo leh xeelad iyo awood saamayn oo dagaalada wax kabadali karta,  gaar ahaan dagaallada dhinacyada badan leh ee ka kooban baaxadda juqraafiyadeed ee ballaaran.

Dagaalka badda ee ka dhici kara gobolka, waxa ay u badan tahay in aanu ku koobnaan doonin Yahuudda oo dhinac ah, Iiraan iyo xulufadeed oo ay kamid yihiin ururada ay taageerto oo dhinaca kale ah, balse waxaa sidoo kale ka mid noqon doona xulafada ugu wawayn ee ay Yahuuddu leedahay, sida Maraykanka oo si istaraatiiji ah ugu sugan gobolka, isaga oo adeegsanaya cudud ciidamo iyo maraakiibta badda.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Iiraan waxay dadaal balaaran galisay miisaaniyaddeeda difaaca ciidamada badda  iyo cutubyada Ilaalada Kacaanka, iyada oo biyaha khaliijka u arkaysa in ay tahay halka ugu macquulsan ee uu ka dhici karo iska horimaad ay la gasho Mareykanka.

Dhanka awooda hadaan u imaano, dawladda Iiraan ayaa haysataa 67 markab oo nooca dagaalka ah, marka lagu daro doonyaha qaada weerarada degdega ah iyo maraakiibta saadka ee caawiya. Inta badan maraakiibtan iyo kuwa badda hoosteeda  mara ee ay Iiraan haysato ayaa ah kuwo duug ah, kuwaas oo jira  33 sano, halka qaarna ay shaqaynayeen in kabadan 50 sano, hase ahaatee Tehran ayaa hada wada dadaalo ay kusoo saarayso illaa 9 markab oo cusub.

Dagaalkii dhexmaray Iiraan iyo Ciraaq ayaa saameyn weyn ku abuuray qaabeynta istaratiijiyada badda ee Iiraan. Dagaalkaas ayaana daaha ka qaaday daciifnimada maraakiibta waaweyn ee ka dhanka ah weerarada cirka iyo gantaallada, taas oo keentay in Iiraan ay sameysato maraakiib yaryar oo ku hubaysan gantaallada. Arrintan ayaana Tehraan u ahayd casharro wax ku ool ah oo ay ku hormarisay awoodeeda milatari ee dhanka Badda.

Halkaan ka Degso Warbixinta Dagaalka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.