Madaxweynaha maamulka la baxay Soomaaliland C/Raxmaan Cirro ayaa sheegay iney dhameystireen wajiga koobaad ee qiimeynta dhismaha dekadda Lugyahe.
Cirro ayaa hadal ka dhawaajiyay mar uu ka hor hadlayay Baarlamaanka maamulkaasi, wuxuuna sido kale sheegay iney jiraan dhimaha wadooyin uu sheegay iney muhiim yihiin oo dekaddan iyo magaalooyinka waa wayn isku xiraya.
Hadalkan ayaa shaki wayn ku beeray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna soo xasuusay is afgaradkii uu maamulkan horay ula saxiixday dowladda Itoobiya, sheegashadii xukuumadda Adis Ababa ay sheegtay in lagu wareejiyay degmada.
Degmada Lughaye ayaa ku taalla gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya, waana magaalo xeebeed dhowr goor oo hore la isku dayay in dekad laga hir geliyo balse aysan suuragelin.